U bood dhigaalka

Dhageyso: Garoowe Oo Laga Mamnuucay Hubka Iyo Gaadiidka Dagaalka

Sheeko:Amniga

Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa soo saaray amarro lagu adkeynayo ammaanka guud ee gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Garoowe ee gobolkaasi.

Qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah, in magaaladaasi laga mamnuucay in hubka lagu dhex qaato iyo sidoo kale in lagu dhex arko gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale, guddigan ayaa mamnuucay gaadiidka leh miraayadaha madow, waxaana dhanka kale ay go’aan kasoo dhulalka oo murankoodu waayadan batay.

Guddigan ayaa dhanka kale sheegay in ciqaab adag la marin doono dhallinyarada lagu soo qabto iyaga oo dhib ku haya dadka shacabka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

 Goobjoog News