U bood dhigaalka

Dhageyso: Go’aan Laga Gaaray Colaaddii Ka Dhacday Koonfurta Gobolka Sool

Sheeko:Amniga

Go’aan kama dambeys ah ayaa laga gaaray colaad muddo u dhaxeysay beello walaalo ah, kuwaasi oo ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Sheekh Axmed Ismaaciil Mire oo akhriyey go’aanka lasoo saaray ayaa sheegay in looga baahan yahay Labada dhinac iney adkeeyaan go’aankan, islamarkaana dhan walbo looga baahan yahay fulintiisa.

Labada dhinac ayaa la saaray bixinta diyada dadkii ay iska dileen, dib usoo celinta hantidii iyo hubkiii la kala qabsaday iyo arrimo kale.

Dhanka kale, Maxamed Kaahin oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa halkaasi ka sheegay in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo burisa go’aannada la gaaray, isaga oo dhanka kalena sheegay in aan hub lala soo geli karin deegaannada ay beelahan wada deggan yihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News