U bood dhigaalka

Dhageyso: Golaha Shacabka Oo Laga Dalbaday In Aysan Aqbalin Heshiiska Dekadaha Soomaaliya Iyo Itoobiya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jibriil ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ka hadlay heshiiskii maalin ka hor ay magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Waxa uu sheegay Cabdi Barre in xilligaan aanay habooneyn in Soomaaliya dekadaheeda ay kula heshiiso Itoobiya oo uu tilmaamay in xilligaan aan wax dan ah ugu jirin dalka.

Xildhibaannanada golaha shacabka ayuu ka dalbaday ineysan aqbalin heshiiska lala galay dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, Cabdi Barre ayaa tilmaamay in heshiiskan aan loo gelin dan Soomaaliyeed balse ay jirto baqdin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News