U bood dhigaalka

Dhageyso: Goobjoog fm oo shirka shidaalka Soomaaliya ee ka furmay London ka wareysatay Maamulaha shirkadda CWC Mustaf Al-baali

Sheeko:Dalka

Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir looga hadlaayo Saliida iyo Gaaska Soomaaliya, waxaana shirkaan ka qeyb galaaya madax isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan shirkado maalgashi, iyadoona khudbad uu jeediyay wasiirka Tamarta xukuumada Soomaaliya Daa’uud cumar, waxaana hadli doona mas’uuliyiin badan.

Hadaba Idaacadda Goobjoog ayaa qadka Taleefanka ee Magaalada London waxa ay kula xiriirtay Mustafa Al-baali oo ah maamulaha shirkadda CWC oo qeyb ka ah qaban qaabinta shirka.

Waxa uu sheegay in shirkaan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya , isagoo dhanka kale tilmaamay in halkaasi ay ku suganyihiin shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin PP, SHELL, TOTAL iyo shirkado kale oo badan.

“Arimaha ugu waaweyn ee iminka laga doodayo ayaa ah kuwo la xiriir guud ahaanba wax soo saarka dhanka Saliida Soomaaliya oo halkaan dadka ay u yimaadeen inay wax badan ka helaan oo xoga ah” ayuu yiri Mustafa Al-baali

Sidoo kale waxaa la weydiiyay xilligaan iyo aduunka sida uu ugu heelan yahay in Soomaaliya maalgashi ku sameeyo.

“Shirkadaha waxay u yimaadeen sidii ay u dhageysan lahaayeen warka kasoo yeeraya dowladda Soomaaliya gaar ahaan Daa’uud cumar oo halkaan jooga, wasiirkana waxa uu la shiri doonaa dhamaan hay’adaha halkaan ku sugan waxaana uu siin doonaa xog ku aadan halka wadanka uu marayo xaalkiisa” ayuu hadalkiisa raaciyay Mustafa Al-baali.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

Goobjoog News