U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddiga Aqalka Sare u Direy Jubbaland Oo La Kulmay Axmed Madoobe

Sheeko:Dalka

Guddiga aqalka sare u saaray xog ururinta tabashada uu qabo maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la kulmeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Axmed Madoobe oo hadal kooban jeediyey ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay khilaafka jira, isaga oo tilmaamay in dowladda ay ka baxday ballamo badan.

Arrimaha amniga  mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay taageero siinta ciidamada dowlad goboleedyada, ayna waayeen hubkii ciidankooda ku dagaallami lahaa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Axmed Madoobe in lagama maarmaan ay tahay in la helo dhan Saddexaad oo la socda heshiisyada ay gaari doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News