U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddiga Doorashada Baydhaba Oo La Dhaliilay

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo waxaa si xowli ah uga soconaya diyaargaroowga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Doorashada oo lagu waday in ay dhacdo 17-kii bishaan ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana la muddeeyay dabayaaqada isla bishani in ay qabsoomayso.

Fowzi Cabdinuur oo kamid ah ururrada bulshada Baydhabo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu jiro gaabis ka muuqda shaqada guddiga doorashada madaxtinimada islamarkaana ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada.

Aqoonyahanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howsha si dardar leh loo wado si looga baaqsado dib u dhac kale oo laga cabsi qabo.

Waxaa sidoo kale uu xusay jiritaanka faragalin arrinaas oo waxaa weeye wararkeedu uu in muddo ahba ka soo yeerayay Baydhabo.

Waxaa sidoo kale wax ka weydiinnay xaaladda magaalada, diyaargaroowga doorashada iyo aragtida bulshada sida ay tahay.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News