U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddiga Doorashada Hirshabelle Oo Sheegay Ineysan Jirin Caqabad Hortaagan Howlahooda

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in aysan xilligaan jirin wax caqabad ah oo hortaagan qabashada doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddiigaasi Maxamuud Xuseen Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in 8 musharrax ay hadda u taagan yihiin xilka madaxweyne ee maamulkaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Sabtida si rasmi ah ay u dhici doonto doorashaa.

Waxa uu guddoomiyaha waxbo kama jiraan ku sheegay warar la isla dhexmarayay oo ah in xubnaha guddiga isku khilaafeen hannaanka maamulka doorashada.

Dhanka kale, guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in musharraxiinta ay sidoo kale la hadli doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo qiimeeyo musharraxa istaahila in xilka lagu aamino.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News