U bood dhigaalka

Dhageyso: Isdiiwaangelinta Musharrixiinta Oo Joogsatay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka ayaa soo gabagebeeyay isdiiwaangelinta musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Ilaa haatan guddigu waxa ay sheegeen inay isa soo diiwaangeliyeen musharrixiin gaaraya 24 oo u taagan qabashada madaxtinimo ee dalka.

Musharrixiintani ayaa isugu jira kuwa horey u soo noqday madaxweyneyaal, kuwa xilal sare ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan DR. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Goobjoog News goor dhoweyd u sheegay in isdiiwaangelintii ay soo gebagebeeyeen islamarkaana dhaqaalaha ay bixiyeen musharrixiinta 50% loogu yaboohayo abaaraha dalka.

Wareysiga Kooban qeybta hoose ka dhageyso:

Halka hoose ka akhriso Magacyada Musharraxiinta rasmiga ah ee isdiiwaangelisay iyo taariikhaha ay isdiiwaangeliyeen:

musharixiinta-1

Goobjoog News