U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Goobjoog Uga Warammay Wixii u Qabsoomay Kalfadhigii Koowaad

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay aqalkooda Kalfadhiggii Koowaad.

Waxa uu sheegay in shaqooyin aad u muhiim ay ay qabteen mudadii ay shaqeynayeen, wuxuuna tilmaamay iney qabteen waxyaabihii saldhigga u ahaa shaqooyinkooda.

Guddoomiye Xaashi waxa uu tilmaamay iney sameeyeen guddiyadii, xeer hoosaadkii aqalka sare iyo sidoo kale arrimo kale oo aad u muhiim ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Kalfadhigooda Labaad ay hortaallo shaqooyin badan oo uu kamid yahay dib u eegista Dastuurka.

Dhanka kale Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu sheegay iney doonayaan in dalka ay u reebaan dhaxal waxqabad oo ay ka dhaxlaan aqallada sare kale ee imaan doona.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News