U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddoomiyaha Cusub Ee Galgaduud Oo Sheegay In Uu Wax Ka Qabanayo Amniga Iyo Abaaraha

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Galgaduud Nuur Axmed Xasan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in uu la imaan doono isbedallo shaqo oo gobolka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horreeya ee uu wax ka qabanayo kamid yihiin arrimaha amniga, ammaaanka iyo sidoo kale wax ka qabashada siyaasadaha is diiddan.

“Waxaan wax ka qaban doonaa arrimaha bini’aadannimada, ammaanka iyo sidoo  kale dib u heshiisiin maadaama gobolka ay ka jiraan siyaasado is diiddan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee Galgaduud Nuur Axmed ayaa sheegay in maamulkiisa uu wada shaqeyn dhow la yeelan doono guud ahaan qeybaha kala duwan eee bulshada gobolkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:


Goobjoog News