U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddoomiyaha Cusub Ee Garoowe Oo loogu Baaqay Soocelinta Bilicda Magaalada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Garoowe ayaa ka dalbaday guddoomiyaha cusub ee magaaladaasi inuu wax ka qabto arrimaha la xiriira dib usoo celinta bilicda magaaladaasi.

Muxubo Maxamuud, guddoomiyaha xaafadda Horseed ee Garoowe ayaa sheegtay in guddoomiyaha cusub ka dalabanayaan wax ka qabashada soo celinta leerarka iyo arrimo kale oo bilicda magaaladaasi ku saabsan.

“ Xaafaddeenna labo laami ayaa mara, labada laami waa gud cur dhinicii ganacsiga waa uu socdaa xaafadda solar iyo lery toona lamahan waxaan u sheegayaa maamulka cusub iyo guddoomiyaha cusub waxaan leenahay waa in ay soo celiyaan biilcda Magaalada iyo xaafadaha”, sidaasi waxaa yiri Muxubo Maxamuud oo ah guddoomiyaha xaafadda Horseed.

Axmed Barre Saciid ayaa todobaadkii hore loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee Magaalada Garoowe kadib codeyn ka dhacday xarunta degmadaasi.

 

 

180902_006

 

Goobjoog News