U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddoomiye Oo Ka Hadlay Dilalkii Ugu Dambeeyay Ee Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya sarreeye guuto Xassa Cali Nuur(Shuute) oo la hadal jeedin u sameeynayay cutubyo ciidanka millateriga dowladda federaalka ayaa sheegay in ficilladii u dambeeyey ee ka dhacay caasimaddani Muqdisho ay yihiin kuwa u baahan in laga jawaabo.

Falalkaasi qaarkood waxaa ka dambeeyay ciidamo ka tirsan dowladda iyo dableey hubeysan.

Sareeye guuto Shuute wuxuu sheegay in ficiladii dilalka qorsheynaa, qaraxyada iyo waxyaabahaas oo dhan ay ku yimaadeen, ka dib markii ay dawladda Faderaalka Soomaaliya maaro u weyday arrimaha dagaalka, gaar ahaana ciidamadu weerar qaadi waayeen.

“Gabar Fasalkeeda dhiganeysa oo jaamacad ku jirto weliba diinta Islaamka baranaysa ayaa la dilay” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Hoos Ka Dhageyso:

Goobjoog News