U bood dhigaalka

Dhageyso: Gurmad Ka Yimid Puntland Oo Loo Qeybiyey Qoysas Ku Nool B/weyne

Sheeko:Dalka

Gurmad raashiin ah oo ka yimid shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland ayaa waxaa la gaarsiiyey qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan magaalada B/weyne, kuwaasi oo ay saameysay fataahadda Wabiga Shabelle.

Raashiinka dadka loo qeybiyey ayaa isugu jiray Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid, waxaana ka faa’ideystay Kun iyo Shan Boqol oo qoys.

C/laahi Axmed Maalin Sufurow, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa uga mahadcaliyey shacabka iyo maamulka Puntland sida ay isku xilqaameen uguna soo gurmadeen walaalahooda.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in Puntland oo aan kala harin ay si hagar la’aan ah raashiin kusoo gaarsiiyeen shacabka B/weyne.

“Waxaan u mahadcelinayaa walaalaheena reer Puntland, culimada, ganacsatada, haweenka, maamulka, rugta ganacsatada iyo dhammaan intii nasoo xasuusatay oo dhibaatadii halkaan ka dhacday ka hurdi weysay oo ka joogi weysay oo deeqdaan faraha badan ee qaaliga ah nasoo gaarsiiyey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Shacabka Puntland ayaa iska soo uruuriyey deeq raashiin ah oo ay ku doonayeen in lagu saacido shacabka uu ku fatahay Wabiga Shabelle, kuwaasi oo ku nool magaalada B/weyne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News