U bood dhigaalka

Dhageyso: Haweenka Puntland Oo Diray Baaq Ku Saabsan Soo Xulista Baarlamaanka Cusub

Sheeko:Dalka

Ururka haweenka Puntland ayaa baaq ka soo saaray soo xulista xildhibaannada maamulkaasi oo muddo kooban ay ka harsan tahay.

Xilli Puntland ay ku soo fool leedahay doorashada baarlamanka Puntland bilaha soo socda haatana ay socoto soo xulista golayaasha degaanka ayaa waxaa baaq ku sabsan tixgalinta haweenka ee kuraasta labadaasi doorasho dirtay guddoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadra Warsame Jaamac  kaddib wareysi ay siiyay Goobjoog News.

Waxay sheegtay inay nasiib-darro tahay in gobollada ay Pyuntland ka kooban tahay ay ka waayaan mid hal xubin oo gobol kasta ay haweenku ku leeyihiin.

Isimada leh soo xulista baaarlamanka Puntland 2019-ka ayey ugu baaqday inay i gooni ah ku Eegaan haweenka oo qoondadii ay gollaha wakiillada ku leeyihiin la sugo, haddii ay dhacdo in tiro intaas ka badan ay helaanna ay soo dhoweynayaan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News