U bood dhigaalka

Dhageyso: Haweenka Qaranka Oo Ka Horyimid Waddooyinka Ay Xirato DFS

Sheeko:Amniga

Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waddooyinka ay mararka qaar dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo dhibaato ku ah shacabka Muqdisho.

Caasha Xasan Qaras oo xubin ka ah ururkan ayaa u sheegtay Goobjoog News, in la yaab ay ku noqotay markii haweenkii foosha ahaa xitaa loo diiday in waddooyinka ay maraan.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah isgoysyada Muqdisho ay kula kulantay haweeney ku dhex dhashay mooto Bajaaj, islamarkaana askarigii markii ay ka dalbatay in haweeneydaan lasii daayo u sheegay in ammar lagu siiyey wadada in la xirto.

Dowladda ayeey ku dhaliishay in hannaanka ay hadda wax u waddo aan amni lagu sugeyn ee laga doonayo in qorshe kale oo amni sugid ah la timaado dowladda.

Caasha ayaa si gaar ah waxay madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu wax u qabto shacabka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho, kana dhabeeyo ballanqaadkiisa ahaa in waddooyinka Muqdisho aan la xiri doonin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News