U bood dhigaalka

Dhageyso: Hay’adda Musiibooyinka Puntland Oo Sharraxeysa sababta Keentay Dabeylaha

Sheeko:Dalka

Hay’adda Musiibooyinka Puntland Ee Hadma ayaa sheegtay in xoogga dabaylaha ku dhuftay Puntland ay sabab u tahay dhirtii ay dadku jareen iyo sidoo kale boholaha ay magaalada ka qodeen.

Agaasimaha hay’addan C/laahi C/raxmaan Cayrow ayaa u sheegay Goobjoog News in dabaylaha  ay sanad walbo dhici jireen, balse awoodda la socota ay tahay dhirtii oo meesha ka maqan.

“ Dabaylaha waxaa aya leeyihiin Magacyo badan waxaana ayna socdaan ilaa saddex maalin, dab shirka ka hor waxaa dhaca dabeylo badan, dabeylaha waxaa keena xaalufinta dhirta taasi oo meesha ka saareysa in dabeylaha ay waayaan dhir celisa”.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan waxaa ku dhuftay dabeylo badan kuwaasi oo geystay khasaaro la xiriira dhanka deegaanka.

 

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News