U bood dhigaalka

Dhageyso: Heshiis Horudhac Ah Oo Laga Gaaray Xiisad Ka Jirtay Degmada Hobyo, Mudug

Sheeko:Amniga

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay waxgaradka degmadaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlayey dilal dhowaan ka dhacay Hobyo, kuwaasi oo salka ku haya aanooyin qabiil.

Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in waxgaradkan ay si hordhac ah heshiis u gaareen, islamarkaana isla fahmeen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadallada kala ee dhanka nabadda ah.

Odoyaashan kulmay ayaa sidoo kale isugu imaan doono kulamo kale oo ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, mar kalena aanay usoo noqon wixii dhacay.

Waxyaabaha hadda ay isla garteen waxaa ka mid ah in aanay dhib kale dhicin, islamarkaana cid walbo oo dhibaato geysata la mariyo waxa uu sharciga ka qabo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News