U bood dhigaalka

Dhageyso: Hirshabeelle Oo Heshiiska Dowladda Ku Beddalatay 2 Milyan, Xildhibaan

Sheeko:Amniga

Warar soo baxayay maanta xilliga hore markii uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle.

Arrintaan caawa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan.

Xildhibaanka ayaa carrabka ku dhuftay in heshiiska Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe aysan garwadeen ka ahayn dowladda Qatar oo kamid ah dalalka saameeynta ku leh siyaasadda Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News