U bood dhigaalka

Dhageyso: Hooyada Dhashay Cabdi Iley Oo Dalbaneysa In Wiilkeeda Xabsiga Laga Siidaayo

Sheeko:Amniga

Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dalbatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in cafis u fidiyo wiilkeeda.

Diib Mahad Colow ayaa sheegtay in wiilkeeda ku xanuunsan yahay xabsiga uu ku xiran yahay, iyada oo ku baaqday in kaalin laga qaato siideysmadiisa.

Cabdi Iley ayaa is casilay 6 bishii Ogoosto kadib markii ay deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka dhaceen rabshado lagu dalbanayay in uu baneeyo xafiiska.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27 Agoosto xabsiga la dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa.

Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu amri jiray falal dil, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah.

 

 

 

 

 

Goobjoog News