U bood dhigaalka

Dhageyso: Howlgallo Ka Socda Gobollada Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Amniga

Howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo dadka xaalufinta ku hayo dhirta ayaa ka bilowday deegaanno ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Ciidamada booliiska ayaa qabanaya cid walbo oo ku howlan jarista dhirta islamarkaasna laamaha ammaanka waxaa ay sheegeen in ay wadi doonaan howlgalkan ilaa iyo inta laga takhalusayo dhir jarista.

Maamulka ayaa sheegay in dadka ay jarayaan dhirta qoyan kuwaasi oo jarista bilaabay wixii ka dambeeyay sanadkii 2016 kii markii ay deegaannadaasi ay ka dhaceen abaaro ba’an .

Kooxahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo abaabulan isla markaasna beegsanaya jarista dhirta qoyan maamulka deegaannadaasi ayaa tilmaamay in wadaan howlgallo ay kula dagaalamayaan dadka caadeystay jarista dhirta qoyan.

Howlgalkan ayaa waxaa uu socday bilihii ugu dambeeyay waxaana lagu soo qabtay dad ka badan Lixdan qof, howlgalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay deegaannada hoosyimaada degmada Ceynabo .

Guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa sheegay in ay wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka beegsanaya jarista dhirta qoyan waxaa uuna hoosta ka xariiqay in arrintaani ay deegaanka u keeni karto nabaad guur.

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News