U bood dhigaalka

Dhageyso: Howlgallo Miino Saaris Ah Oo Ka Socda Deegaanno Ku Dhow Kismaayo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in degaanno badan oo Jubbooyinka ah ay ka saareen dagaalyahnnada Al-shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen meelo ka mid ah  Jubbada Hoose

Taliyaha aaga Kismaayo Cabdi Badqas ayaa sheegay in hada ay wadaan sidii miinooyinka loogu saari lahaa degaanadii dhawaan ay kala wareegeen Al Shabaab.

Badqas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada Jubbaland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hor leh, islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab.

Waddooyinka qaar ayuu sheegay in Al-shabaab ku duugeen Miinooyin islamarkaana haatan ay wadaan howlgallo miino saaris ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News