U bood dhigaalka

Dhageyso: In Ka Badan 20 Ruux Oo Ku Dhintay Qaraxyadii Galabta

Sheeko:Amniga

Warbixin dheeri ah baa ka soo baxaysa weerarkii galabta oo Jimca ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo dhowr tallaabo u jira isgoyska KM 4 ee gobolka Banaadir.

Qaraxyadda oo tiradoodu ay gaareysay saddex ayaa ka dhacay nawaaxiga Hoteelka Saxafi oo kamid ah hotellada ugu caansan ee caasimadda ku yaalla, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labo kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay wadada hormarta Hoteelka iyo xarunta dambi baarista ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo soo gaabiyo CID-da, gaar ahaan dhinaca wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa Isgoysyuada KM4 iyo Zoobe.

Dad ku sugnaa goobta ayaa u sheegay mareegta Goobjoog News in Qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore illinka laga galo Hoteel Saxafi, gaar ahaan albaabka ku yaalla wadada aadka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasi oo ay Hoteelo kale ku yaallaan.

Illo wareedyo dhinaca caafimaadka iyo Booliska ah ayaa u xaqiijiyay  Goobjoog News in 18 ruux oo shacab u badan ay ku geeriyootay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Warar kale oo Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay 30 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 qof oo shacab u badan.

Ciidamada amaanka, gaar ahaan ilaalada Hotel Saxafi iyo CID-da ayaa toogasho ku diley rag hubeysan oo gaaraya illaa afar, kuwaasoo isku dayayay inay gudaha u galaan Hotelka kaddib qaraxyada.

Xarakada Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeedda jiritaanka dowladda federaalka iyo joogitaanka ciidanka AMISOM iyo kuwa kale ee Ajaanibta ayaa durbadiiba dhabarka saaratay mas’uuliyadda weeraradaani oo labo kamid ah ay ahaayeen Ismiidaamin,  sida ay sheegeen hay’addaha ammaanka qaabilsan.

Shalay oo Khamiis ahayd ayaa markii Qarax ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari oo ka dhacay degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir lagu dilay Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Qaraxyadani ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo maanta dalka uu ka dhoofay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga iminka dalka Itoobiya.

Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka Amiin Ambalas ayaa ka hadlaya khasaaraha:

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News