U bood dhigaalka

Dhageyso: Isqabqabsiga Dhulka Laascaanood Oo Siiyaraanaya

Sheeko:Dalka

Duqa degmada Laas-caanood C/caziiz Xuseen ayaa sheegay in is qabqabsiga dhulka ee Laas-caanood iyo deegaannada ku xeeran uu ku yimid hoos u dhac.

Waxaa uu tilmaamay in ay jiraan ganacsato iyo qurbo joog ka beec mushtara iibinta dhulka caqabadna ay ku yihiin dowladda hoose.

C/caziiz Xuseen oo arrimahaasi Goobjoog News uga warbixiyey waxaa uu yiri “Arrimaha dhulka sida loo buunbuuniyo oo dadka ay u dhigaan maahan, qacabadaha waa wax bulsho ah oo iska jira, waxaan oran karaa Laas-caanood waa meesha kaliya oo is qabqabsiga dhulka uu yaryahay”.

Duqa degmada C/caziiz ayaa xusay in hadda ay dhibaatada ay kaga imaanayaan dadkii ay xoolaha ka leysay abaartii kuwaasi oo ka imaanaya baadiyaha soona galaya magaalada.

Waxaa uu tilmaamay in dadka baadiyaha ka imaanaya soona galaya magaalada ay dhulalka banaan ay ku qabsanayaan dadkii iska lahaa taasina ay tahay sida uu sheegay arrinta hadda ka taagan Laas-caanood.

 

 

 

 

Goobjoog News