U bood dhigaalka

Dhageyso: Itoobiya Oo Sheegtay In Shacabka DDSI Cabasho Ka Muujiyeen Hoggaankii Maamulkaas

Sheeko:Dalka

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbedalka ka dhacay dhulka Soomaalida Itoobiya uu yahay mid dan weyn ugu jirto shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi.

Axmed Shidde oo ah wasiirka warfaafinta dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu safarkiisii ugu horreeyey ku tagay Jigjiga ahayd sidii xal weyn looga gaari lahaa hoggaaminta deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in culeysyo ay yimaadeen, islamarkaana cabashada dadka ay sii batay, isaga oo tilmaamay in koox yar ay Jigjiga iyo deegaanno rabshado ka sameeyeen.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in amniga qaranka qatar weyn gelisay kadib markii ciidankuu gaarka ahaa ee Liyuu Boolis xooggooda la isugu keenay Jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Cid walbo oo ka dambeysay dhibaatooyinkii ka dhacay Jigjiga ayuu sheegay in loo saaray guddi baaritaan degdeg ah ku sameeya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News