U bood dhigaalka

Dhageyso: Jahawareer Dhanka Lacagta Shilin Soomaaliga Ah Oo Ka Taagan Suuqyada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxaa Suuqyada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka jira walaac dhanka ganacsiga ah kadib markii hakad la galiyey lacagtii shilinka Soomaaliga ahaa oo inta badan bulshada ay wax ku kala iibsan jireen.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee maamulka Mudug Axmed Maxamed ayaa ka hadlay hakadka la galiyey lacagta Shilin Soomaaliga isaga oo tilmaamay in ay ka dambeeyaan arrintan dad dano gaar ah wato.

“Lacagtaas dad qaswadayaal ah ayaa ka shaqeynaya wax aan ognnahay maahan waxaan rabnaa barnaamijka ceynkaas ah dadka wada inaan dabagal ku sameyno.

Hakadka ku yimid lacagta Shilinka Soomaaliga ee laga isticmaali jiray Suuqyada Gaalkacyo ayaa waxay saameyn ku yeelatay bulshada gaar ahaan kuwa danta yar. waxaana lagu wadaa in dibad-baxyo dhacaan saacadaha soo socda

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News