U bood dhigaalka

Dhageyso: Jubbaland Oo Ka Hadashay Duqeyn Diyaaradeed Ka Dhacday Gedo

Sheeko:Amniga

Mas’uuliyiinta xagga ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Faah faahinno dheeraad ah ay ka baxiyeen Duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ka mid ah deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay duqeynta diyaaradaha in ay khasaaro ka soo gaartey xarumo ay ku sugnaayeen  dagaalyahannada Al Shabaab.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaaasi ka dhacdey deegaanka Ceelcadde oo markii Labaad muddo Todobaad ah lala eegtay, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya duqeyntan u dambeysay in ay ku bur-bureen dhismayaal ku yaaley Ceelcadde.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News