U bood dhigaalka

Dhageyso: Jubbaland Oo Ka Hadashay Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay cilaaqaadka liita ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay madaxweyne xigeenku in madaxda Jubbaland aragtidoodu tahay sidii loo heli lahaa qaran Soomaaliyeed oo guuleysta islamarkaana nasiib darro ay tahay khilaafka soo kala dhex galay dowladda iyo Jubbaland.

Madaxweyne Maxamuud Sayid ayaa daboolka ka qaaday in ay saluugeen fal ay ku kaceen taliska ciidanka xoogga dalka, arrintaasna ay cabasho ka muujiyeen oo xataa ay warqad cabasho ah u soo qoreen xukuumadda Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News