U bood dhigaalka

Dhageyso: Kalluumeysatada Muqdisho Oo Cabsi Ka Muujinaya Roobabka Dabeylaha Wata In Ay Soogaaraan

Sheeko:Dalka

Meelo badan oo dalka ka mid ah gaar ahaan dhanka Xeebaha waxaa ka taagan cabsi la xiriirta in ay ka da’aan roobab wato duufaanno oo saameyn ku yeelan karo dadka ka agdhow.

Kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha Muqdisho ayaa sheegaya in cabsi ay ka qabaan in roobabka duufaannada wata ay saameyn ku yeeshaan noloshooda.

Meelo ka mid ah Puntland ayaa la sheegayaa in ay cabsi xooggan ay ka jirto waxaana soo baxaya digniino ay jeedinayaan hay’adaha maareynta iyo Masiibooyinka.

Muqdisho ayaa la tilmaamay in ay saameyn karaan roobabka iyo Fatahaadaha is wato, balse Kalluumeysatada Muqdisho ayaa sheegaya in ay cabsi ka qabaan in duufaannada ay saameeyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso