U bood dhigaalka

Dhageyso: K/galbeed Oo Qiil u Yeeshay Taageeradoodii Sacuudiga Iyo Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta keentay iney taageeraan xulufada Sacuudiga, walibana ay kasoo horjeestaan go’aankii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Afhayeenka maamulkaasi Nuuradiin Abukar Yuusuf, oo la hadlay Goobjoog News ayaa qiil u yeelay sababta ay u taageereen xulufadan, wuxuuna sheegay in danahooda ay aqoonsadeen.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in dhankooda aanay jabin Dastuurka, islamarkaana maadaama qabyo uu yahay Dastuurkana ay go’aansadeen iney garab la noqdaan Sacuudiga iyo xulufadiisa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dalalka ay hadda taageereen ay dan weyn ku qabaan, islamarkaana dowladda ay ku qaldaney iney qaadato go’aan dhex dhexaad ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guud ahaan K/galbeed iyo sidoo kale shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ayuu sheegay in go’aankaan ay u dhan yihiin, islamarkaana aysan ka laaban doonin.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

 

Goobjoog News