U bood dhigaalka

Dhageyso: K/galbeed “Shirka Dastuurka Kama Qeybgaleyno”

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in aysan  kasoo horjeedin shirka arrimaha Dastuurka ee la filayo in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse ay doonayaan in dib loo dhigo.

Wasiirka Dastuurka ee maamulkaasi C/laahi Sheekh Xasan oo si kooban ula hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay dalbadeen in shirkaan uu dhaco marka uu soo dhammaado shirka Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in dhammaan maamul goboleedyada ay arrintaan isku raacsan yihiin, wasaaradda Dastuurkana looga baahan yahay iney arrintaasi tixgeliso.

Waxa uu tilmaamay in waqti badan la haysto oo dib loogu hagaajiyo Dastuurka, balse aanay mudneyn xilligaan in lagu degdego qabashadiisa.

Maamul goboleedyada qaar ayaa kasoo horjeestay ka qeybgalka shirka Dastuurka eek a furmaya Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News