U bood dhigaalka

Dhageyso: Khasaaraha Dagaalka Sool Oo Kordhay

Sheeko:Amniga

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka soconaya dhanka galbeed ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Dhumay.

Dagaal beeleedkani oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.

Mareegto Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in dagaalkani sokeeye ay ku dhinteen 18 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaasoo wararku ay tilmaamayaan in la dhigay Isbitaalka dhexe magaalo madaxda gobolka Sool ee Laasacaanood.

Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.

Wararkii Ugu dambeeyay ee xaaladda sida ay tahay waxaa ka wareysannay wariyaha degaankaasi Faarax Dubbad wuxuuna u warramay Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News