U bood dhigaalka

Dhageyso: Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey Afar Kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga aargada degmada Dayniile ee Muqdisho.

Gaari nooca NOHA loo yaqaano oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolnyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah oo halkaasi marayey.

C/qaadir C/laahi oo ka mid ah darawallada gaadiidka gurmadka ee Amin Ambulance ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dadka dhaawaca soo gaaray uu ku jiro canug yar iyo sidoo kale haweeney.

Waxaa jira burbur soo gaaray guryo ay deganaayeen dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa iyo sidoo kale xarumo ganacsi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News