U bood dhigaalka

Dhageyso: Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Guddoomiyaha Hiiraan Iyo Ku Xigeenkiisa Dhanka Amniga

Sheeko:Dalka

Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhanka ammaanka C/raxiin Muxummad Taakooy.

Guddoomiye Taakoy ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Dabageed uu ka horyimid nidaamka dowliga ah, islamarkaana uu yahay kaligii taliye waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in guddoomiyaha Hiiraan aanu dooneyn shaqada in lala wadaago, wax walbana uu ammarkiisa ku rabo in lagu hago.

Guddoomiye Dabageed weli kama aanu hadal waxa ka jira khilaafkan kala dhaxeeya ku xigeenkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News