U bood dhigaalka

Dhageyso: Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Guddoomiyaha Hiiraan Iyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in haatan uu khilaaf ku aaddan dhanka maaliyadda uu ka taagan yahay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Khilaafkan ayaa ka dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda maaliyadda Hirshabelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, iyadoo xallinta khilaafkanna ay socoto.

Wasiirka maaliyadda Hirshabelle ayaa la sheegay inuu ka dalbaday guddoomiyaha Hiiraan inuu wareejiyo maamulka maaliyadda ee gobolkaasi, kuna soo wareejiyo dhanka wasaaradda wixii qarash ah ee uu hayo.

Dabageed ayaa arrintaasi ka horyimid, maadaama lacagaha kasoo xarooda gobolka ay si toos ah hadda u maamulaan isaga iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Guddoomiyaha Hiiraan ayaa horey u sheegay in mudada xilkan uu hayo uu wax u qaban doono shacabka Hiiraan, wixii lacag ah ee lasoo qaadana sida ay u baxaan u sheegi doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News