U bood dhigaalka

Dhageyso: Khilaafkii Madaxda Hirshabeelle Oo Xal Horudhac Ah Laga Gaaray

Sheeko:Amniga

Maalmihii dambe waxaa kulamo ay ka socdeen magaalada Muqdisho kuwaasoo ay lahaayeen madaxda ugu sarreeysa Hirshabeelle sida madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe iyo afhayeenka baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed.

Kulamadani ayaa waxaa qabanqaabiyay xildhibaanno isxilqaamay oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee Hirshabeelle, sida uu Masraxa Goobjoog FM u xaqiijiyay Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale madaxda ay si wadajir ah ula kulmeen wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Xasan Cali, islamarkaana laga wada hadlay khilaafyada ka dhex aloosan Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe.

Warar saacadihii hore ee maanta oo Sabti ahayd soo baxayay ayaa sheegayay in xukuumadda Soomaaliya ay lahayd isu imaatinka madaxda Hirshabeelle.

Haddaba, arrintaas ma waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Waare oo kamid ah saxiixayaasha warmurtiyadeedkii shirkii Kismaayo uu dibadda ka joogo haddii ay dowladda isla meel dhigeen tabashada ay ka maamul ahaan qabaan?

Su’aashaas iyo kuwa ayaa Goobjoog News weydiisay Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin.

Hoos Ka Dhageyso:

Goobjoog News