U bood dhigaalka

Dhageyso: Kulamo Looga Hadlayey Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Hirshabelle Oo Lagu Soo Gabgabeeyey Jowhar

Sheeko:Amniga

Magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay shirara loga hadlayay dhisidda goleyaasha deegaanka ee gobolkaasi.

Shirka oo shan maalin socday ayaa looga hadlay qodobo badan oo muhiim ah islamarkana wax ka badali kara nidaamkii hore ee wax loo soo magacaabi jiray, iyadoo hadda guddoomiye waliba uu soo dooran doono golaha deegaanka halka uu ku nool yahay.

Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in muhiimadda shirarkan ahaa kuwo lagu doonayey in lagu barto dhismaha goleyaasha deegaanka.

Wuxuu sheegay wasiirka in sanadka 2019-ka dhismaha golaha deegaanka laga hirgelin doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News