U bood dhigaalka

Dhageyso: Kulan Dhiirogelin Ah Oo Loo Qabtay Ciidanka Isku Dhafka Ee Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madasha is dhexgalka dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa qabtay kulan ay ku dhiirogelinayeen ciidamada Booliiska isku dhafka ah ee magaaladaasi.

Waxaa kulankaan ka qeybgalay saraakiil ciidan, Waxgarad, aqoonyahanno, iyo sidoo kale dhallinyaradii kulankaasi soo qabanqaabiyey.

Qaarkood dhallinyaradan ayaa ku ammaanay ciidamadan shaqada ay bulshada u hayaan, waxay ku dhiirogeliyeen iney ka shaqeeyaan nabadda Gaalkacyo.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka isku dhafka ah ayaa sheegay in dhowaan ay si toos ah shaqada u bilaabi doonaan, mar walbana ay diyaar u yihiin ka wada shaqeynta bulshada ku nool gobolka Mudug.

Ciidamadan isku dhafka ah ayaa laga soo kala xulay maamullada Puntland iyo Galmudug, waana ciidan loogu talogalay iney ka shaqeeyaan amniga guud ee gobolka Mudug.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News