U bood dhigaalka

Dhageyso: Labo Arrin Oo Kalliftay In Ciidanka DFS Usoo Faarujiyaan Saldhigyadii Ay Ku Lahaayeen Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta isaga soo baxay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabellaha Dhexe.

Meelaha ay ciidamadan kasoo baxeen waxaa ka mid ah, degmada Mahadaay, Garoonka diyaaradaha Jowhar, Cadalle iyo deegaanno kale.

Ciidankan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub aad u badan ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeen deegaannadaasi tahay mushaarkooda iyo sidoo kale xuquuqdii raashiinka ay lahaayeen oo aanay helin muddo Afar bil ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News