U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamul Goboleedyada Oo Caddeeyay Mowqifkooda Shirka London

Sheeko:Dalka

Magaalada London ayaa la filayaa in uu ka furmo shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, inkastoo muran badan uu ka dhashay shirkan.

Xubnaha shirkaasi u matalaya maamul goboleedyada kala ah, Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo K/galbeed ayaa caddeeyey mowqifkooda, shirkan waxaana ay sheegeen in aanu ahayn sida wax loo dhigay.

Shirkan ayeey sheegeen in aan lagu xaraashi doonin shidaalka Soomaaliya, islamarkaana wararkaasi ay baahiyeen dad aan rabin horumarka Soomaaliya.

Waxa ay xubnahan sheegeen in shirkan kaliya looga hadlayo soo bandhigista shidaalka Soomaaliya iyo in shirkadaha loo sheegi-doono inay maalgeshtaan shidaalka Soomaaliya

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News