U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamul Goboleedyada Oo Qaadacay Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Bedqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradaha warfaafinta ee maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa qaadacay qodobada kasoo baxay shirkii Bedqabka Suxufiyiinta oo maalintii shalay ahayd lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Wasaaradaha warfaafinta ee maamullada Puntland, Jubbaland, K/galbeed iyo Galmudug ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn shirkaan ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in shirkan markii hore ay u haysteen inuu ahaa mid wada tashi balse ay arkeen in maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta ay wax yeerinayaan waa sida uu hadala u dhigaye.

Qodobada shirkan kasoo baxay waxaa ka mid ah in la sameeyo guddi qaran oo qaabiulsan bedqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ka kooban 11 xubnoo oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo warbaahinta dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News