U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka B/weyne Oo Sheegay In Wax Badan Ka Qaban Doonaan Ammaanka Magaaladaasi

Sheeko:Amniga

Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan ammaanka guud ee magaaladaasi oo maalmahan dambe qalalaase ay ka jiraan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga B/weyne C/raxmaan Muxummed Taakooy ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in ciidamada ammaanka heegan ay ku jiraan, xilli walbana ay ku howlan yihiin xaqiijinta ammaanka.

Ciidamada xoogga dalka, Booliiska iyo kuwa NISA ayuu sheegay in haatan lasoo daadiyey guud ahaan xaafadaha B/weyne, kadib shaqaaqo shalay ka dhacday saldhigga Booliiska ee magaaladaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhiggan kadib markii la sheegay in ay doonayeen iney lasoo baxeen askari Booliis ah oo maalin kahor magaaladaasi ku diley nin Bajaajle ah.

Weerarkaasi shalay dhacay waxaa ku geeriyootey Afar qof iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News