U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Baraawe Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Wadaan Ciidanka DFS

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka wadaan degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadan Aadan Cumar Madoobe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqaaqo shalay ka dhacday degmadaasi, isaga oo beeniyey in isaga ay waxyeello kasoo gaartay.

Ammaanka degmada Baraawe ayaa maalmahan dambe faraha ka baxayey, iyadoo magaaladaasi ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News