U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Gobalka Banaadir Oo Sheegay in La Xiri Doono Xeebta Liido

Sheeko:Dalka

Iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay u fasaxday goobaha waxbarasada sida Jaamacada iyo iskuulada ayaa haddane maamulka gobalka Banaadir waxa uu ku baaqay in la hakiyo isku imaatinka dadweynaha si looga hortago xanuunka COVID-19.

Baaqa ka soo naxaya maamulka gobalka ayaa si gaara waxaa shacabka looga dalbaday in muddo 2 todobaad ah aysan tagin xeebta Liido oo ay sheegeen in la xiri doono islamarkaana ay joojiyaan goobaha kale ee la isugu yimaado.

Dhinaca kale awaamiirta ay soo saareen waxaa ka mid ah in xeebta Liido muddadaas ay xiran tahay aysan dadku u imaan Karin dabaal iyo wixii la mid ah.

Magaalada Muqdisho ilaa haatan waxaa laga xaqiijiyay saddex kiis oo COVID-19 ah waxaana kiisaskaasi mid ka mid ah laga helay qof ajanabi ah oo ka shaqeynayay xarunta Xalane.

Halkan ka dhageyso codka

Goobjoog News