U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Gobolka Mudug Oo Rajo Ka Muujiyey Dhammeystirka Heshiiskii Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dhammeystirka heshiiskii Gaalkacyo ee ay horey u gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulkan, C/xuseen Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan sugayaan waqtiga la dhammeystiri doono heshiiskan.

Waxa uu tilmaamay in heshiiskan oo la dhammeytiro ay ka dhiggan tahay in shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan kuwa gobolka Mudug is fahmaan oo nabad ku wada noolaadaan.

Waxyaabaha ugu weyn ee heshiiskaasi laga sugayo ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan garsoorka, dhulalka la kala qabsaday iyo arrimo kale.

Dowladda dhexe ayaa Todobaakii tagey sheegtay in la dhammeystiri doono heshiiskii Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News