U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Ka Warbixiyay Howlgallo Ka Socda Gobolkaasi

Sheeko:Amniga

Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxamed Taakooy, ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News kaga hadlay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada AMISOM iyo kuwadowladda ee wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde oo ku wada yaalla gobolka.

Wuxuu sheegay in howlgalka oo socda maalmo uu qorshahoodu yahay sidii loo furi lahaa waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka oo badi u xirnaa muddo sanado ah colaado awgood.

Guddoomiye xigeenka amniga Hiiraan baa sidoo kale waxaan wax ka weydiinnay duqeyn diyaaradeed oo shalay galab Hiiraan ka dhacday iyo dagaalladii dhacay khasaaraha ka dhashay.

Dagaallada u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa ku dagaallamay degaanno dhowr ah oo xiriiriya magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News