U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Hobyo “Alshabaab Ma Arag”

Sheeko:Amniga

Iyadoo saacaihii hore ee maanta ay soo baxayeen warar sheegaya in Alshabaab ay la wareegeen degaanno dhowr ah oo hoos yimaado degmada Hobyo ayaa arrintaa waxaa  beeniyay guddoomiyaha degmadaasi.

Guddoomiyaha magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali oo ku magac dheer Fat ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in wararkaasi meel laga soo xigtay aynaan garanaynin.

Wuxuu sheegay in ay jiraan degaanno Alshabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan oo Hobyo iyo Xarardheere hoostaga balse wararka sheegaya in Hobyo ay gacantooda ka baxday ayuu ganafka ku dhuftay guddoomiyaha.

Xaaladda magaalada xeebeebta ah oo dhacda bartamaha Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay islamarkaana wax dhib ah uusan ka jirin.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News