U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeyey Caburin Shacab

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiina kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in maamulka iminka talada haya ay caburiyaan shacabka ku dhaqan deegaannada Jubbaland.

C/wahaab Cismaan Cadaawe oo ka mid ah siyaasiyiintan ayaa u sheegay Goobjoog News in madaxda ugu sarreysa ee Jubbaland aysan waxbo ka qaban dhibaatooyin dhacay.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Axmed Madoobe uusan aqbaleyn in laga hadlo dhibaatooyinka ka jira Jubbaland, islamarkaana la xirayo cid walbo oo ku sugan Kismaayo misane diidda ammarka madaxweynaha maamulkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay siyaasi C/wahaab in ay soo farageliso arrimaha ku aaddan Jubbaland iyo tabashada ay qabaan shacabka iyo siyaasiyiinta Jubbaland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News