U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Puntland Oo Xog Badan Ka Bixiyey Dhul-gariir Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Faarax Maxamuud, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in dhul gariirkaasi uu ka dhacay Axaddii meel 171-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.

Wuxuu tilmaamay in qubaro ay hadda u dirayaan halka dhul-gariirka uu ka dhacay si ay u ogaadaan saameynta uu yeeshay.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ay xiriir la sameeyeen deegaannada ku dhow halka dhul gariirkan uu ka dhacay, balse looma soo sheegin wax khasaare ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News