U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Sh/hoose Oo Ka Hadlay Howlgallo Ka Socda Gobolkaasi

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ciidanka dowladda ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Maxamed Ibraahim Barre oo ah guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo ay ku furayaan waddooyinkii ay xirteen Al-shabaab.

Mar uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Marka ayuu sheegay iney tahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana ciidanka ay howlgallo ka wadaan deegaanno ku dhow magaaladaasi, laguna furayo waddooyinka.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in howlgalladan ay sii socon doonaan tan iyo inta Al-shabaab laga saarayo gobolkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News