U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Shabellaha Hoose Oo Kala Dhexgalay Beello Ku Dagaallamay Wanlaweyn

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney kala dhexgaleen beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in hadda ay xabaddu joogsatay, xaaladuna tahay mid deggan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in sidoo kale ay ku dedaaleen in ciidamada dowladda la kala dhex dhigo maleeshiyaadkii dagaallamay.

Ugu dambeyn, guddoomiye Barre ayaa ugu baaqay beelahan ku dagaallamay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Wanlweyn iyo nawaaxigeeda in nabadda ay qaataan oo ay ka fogaadaan wax walbo oo dhiig ku daadan karo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News